
Muddo dheer kaddib ayuu dalka Soomaaliya dib ugu biiray guddiga fulinta xiriirka kubada koleyga dalalka ku jira ururka jaamacada carabta, kadib markii xoghayaha guud ee xiriirkaasi Injineer Baana cabdalla cali uu todobaadkan si rasmi ah uga mid noqday guddiga fulinta.
Shir weyniha xiriirka oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa todobaadkan uu ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay xoghayaha guud ee xiriirka kubada koleyga Injineer Baana oo ay suuragal u noqotay in uu noqdo xubinta Soomaaliya muddo 20 sanadood ah kaddib.
Injineer Baana oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wax aad loogu farxo ay tahay dib ugu biirida Soomaaliya ee guddiga fulinta xiriirka kubada koleyga Carabta, waxaana uu sheegay in taasi ay muujineyso dar darta uu lasoo if baxay xiriirka oo gacan ka helaya guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Bahweynta kubada koleyga Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyodibadiisa ku kala sugan ayaa wali sii wada fantasyaha ay ugu dabaal dayagaan dib usoo celinta xubintii Soomaaliya ay ku lahayd xiriirka kubada koleyga dalalka ku jira ururka jaamacada Carabta.



Somali NOC Media Department
+25250 969815 Cell
+2521 217 034 office